Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi nooc cusub ah oo la sheegay inay xaaqiijinayaan qoondada haweenka ee 30%.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu shaaciyey magacyada 13 xubnood oo midkood oo mid ka mida Rag yahay, kuwaasoo la sheegay inay hubinayaan metelaadda haweenka ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Guddigan u ololeynayaan xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS.
Qoondada haweenka oo aan dastuuri ahayn waxaa si weyn ugu doodaya Beesha Caalamka, iyadoo awoodda guddigan aysan caddeyn iyo halka ay kasoo geli karaan nidaamka doorashada ee ay maamulayaan Guddiyada Maamul Goboleedyada iyo kan Federaalka.
Guddi farsamo oo Doorashada qaabilsan ayuu hore u magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble, Waxaana dood ka keenay madaxda maamul Goboleedyada oo dalbaday in xubno loogu daro.
HOOS KA AKHRISO
