Tuesday, February 18, 2025

RW Rooble oo ku dhawaaqay Gurmad xukuumadda u direyso Jubbaland, Warna kasoo saaray…

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in loo gurmado abaarta ka taagan Gobollada Jubooyinka ee maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay inay xaalad adag ka jirto gobollada Jubbooyinka, ayna dhibaato ba’an heysato dadka iyo duunyada ku nool gobolladaasi, isagoo sheegay in maalmaha soo socda ay xukuumaddu diri doonto gargaar aanu faahfaahin.

Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalkana in ay kaalin ka qaataan sidii loo gargaari lahaa dadka abaarta la il daran ee Gobollada Jubbooyinka ku nool.

Ad

Rooble ayaa sidoo kale cambaareeyay werarkii ay Alshabaab ku gubay gaari dareemadda raashinka u waday degmada go’doonsan ee Waajid, wuxuuna ku tilmaamay naxariis darro heerkii ugu sareeyay.

“Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool. Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale.” ayuu yiri Ra’iisal wasaare maxmaed Xuseen Rooble.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON