Waxaa markii ugu horeysay la shaaciyey qoondada dhaqaalaha ku baxaya Doorashada Dadban ee Soomaaliya 2021, kadib dhaqaalihii ugu horeeyay ee laga helay Beesha Caalamka.
Ra’iisal wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhaqaalaha loo qoondeeyay Doorashada ay gaareyso 26 Milyan oo Dollar oo aan weli soo xaroonin.
Dhaqaalahaasi ayaa laga hayaa 7.2 Milyan Dolllar oo ay dhowaan kala saxiixdeen Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo ay weli maqan tahay lacagta ay xukuumadda u qoondeysay.
Lacagaha Doorashada qeyb ka mida waxaa laga sugayaa musharixiinta u tartamaya xilalka labada Aqal ee Baarlamaanka oo Aqalka Sare laga qaadayo 20-kun Dollar, halka Golaha Shacabka laga qaadayo 10-kun Dollar.
Miisaaniyadda dhaqaalaha ku baxaya Doorashada ayaa lagu ansixin doonaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in toddobaadka soo socda ka dhaco caasimadda Muqdisho.
Rooble wuxuu sheegay in doorashada ay duwan tahay doorashadii hore, ergaduna ay tahay labalaab, laakiin lacagta inteeda badan aysan soo xeroon, ayna arrintaas uga hadli doonaan shirka Wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacaya.
