Ra’iisul Wasaare aha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble kulan fogaan arag ah u qabtay madaxda Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada iyo khilaafaadka ayaa si adag uga hadlay cabashada laga keebnay doorashada iyo khilaafka ka dhashay.
Guddiyada Doorashooyinka heer Dowlad-goboleed ayuu si adag ula hadlay, isagoo u caddeeyay inaysan hoos tegin madaxda Dowlad Goboleedyada, balse ay kusoo baxeen Wareegtadiisa, ayna iska ilaaliyaan inay ka amar qaataan Madaxda dowlad Goboleedka.
“Cabasho ayaa soo yeertay, waa idinku ceeb.. Labadii dowlad Goboleed ee doorashada bilaabay, waxaa ka yimid cabsho ah daah furnaan la’aan, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed waa idibn arkaayaan; kalsoonida shacabka waa lumineysiin, loomana dulqaadan karo eedeynta ah inay guddiyada lumiyeen madax bannaanidii, markii la arkay kursi la diiday iyo kursi odayaashii aysan meesha ka muuqan” ayuu yiri Rooble.
Wuxuu ku canaantay Guddiyada maamul Goboleedyada inay u maleeyaan inuu soo saaray maamul Goboleedka. “Guddiyada waxaad is leedhihiin dowlad Goboleedka ayaa idiin wata oo idin soo saaraya.. Cid idin soo saratay ama idin magacawday ma jrito. wareegtada ra’iisal wasaaraha ayaad ku soo baxeen.. Doorasho haddii aysan kalsooni lahayn ma socon karto” ayuu si kulul u yiri Ra’iisal wasaaraha.
Wuxuu sheegay in waxa kaliya ee madaxda maamul Goboleedyada ay la wadaagi karaan ay tahay asteynta kuraasta haweenka iyo, fududeynta amniga, balse aysan wax kale xaq u lahayn; Guddiyada Doorashaduna ay yihiin guddi madax bannaan.
Wuxuu ceeb iyo foolxumo ku tilmaamay in Guddiga SEIT ee K/Galbeed uu diido hakintii uu Guddiga heer Federaal ku sameeyay kursigii HOP103, wuxuuna sheegay unaan kla qaban karin doorasho kursi aan buuxin shuruudihii laga rabay.
