Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay madaxweynaha cusub ee dalkaasi Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.
Kulanka ayaa ahaa tacsi, iyadoo uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii dalkaasi Sheikh Khalifa Bin Zayid oo dhowaan geeriyooday. Waxaa Imaaraadka tegaya madaxda caalamka oo si ay tacsi uga gutaan madaxda dalkaasi.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa gaarsiiyey Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid Dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doorashada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.

