Ra’iisal Wasaaraaha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyo degdega u diray Guddoonka Garab Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT oo maanta isku doortay Muqdisho.
Qoraal daqiiqado kadib kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wsaaraha, kadib doorasho khilaaf hareeyay oo uu isagu amray ayaa lagu sheegay in Ra’isul Wasaaraha uu ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu sii wadi doono waanwaantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Ra’iisal wasaaruhu aqoonsaday Guddi hal dhinac ah, isla markaana qeyb ka noqday labadii Garab ee siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi, halkii uu dhexdhexaad ka noqon lahaa.
