Afar qof ayaa ku dhimatay, sagaal kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib markii roobab  mahiigaan ah oo laxaad leh, watayna dabeylo wata ay xalay ka da’een  magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.
Dadka dhintay ayaa wararku sheegayaan in u dhinteen  guryahodii oo ku dumay iyo xarkaha korontada oo  go’ay iyo qaar ay ku dhaceen jiingado duulaya oo dabeyluhu kiciyeen.
Roobabkan ayaa  billowday kadib salaaddii maqrib, isagoo socday muddo yar, laakiin qasaare weyn dhaliyeen oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbura guryo.
Waxaa magaalada lagu arkay geedo badan oo ku dhcay wadooyinka magaalada, waxaana sidoo kale khasaare dhinaca guryaha ah oo xoog leh soo gaareen Galbeedka magaalada Hargaysa.
Goobjooge.com