Isbeddello xoog leh ayaa ka dhacaya dalka Ciraaq kadib, markii hoggaamiyaha Koox ka mida Shiicada dalkaasi ee Muqtada Al-Sadr uu maanta uu ku dhawaaqay war lama filaan ah oo ah inuu gebi ahaan ka fariistay arrimaha siyaasadda.
Arrintan ayaa timid iyadoo taageerayaasha Muqtada Sadr ay xoog ku galeen Xarunta Madaxtooydada iyo Qasriga xukumadda dalkaasi, waxaana markii danbe xoog uga saaray ciidamada dowladda oo bandow dhammaan gobollada dalkaasi.
Ciidamada Ciraaq ayaa kala eryay taageerayaasha dhaqdhaqaaqa Sadart, waxaana rasaas xoog leh laga maqlay aagga cagaaran ee magaalada Baqdaad oo ay ku yaallaan dhismeyaasha dowladda dalkaasi.
Sidoo kale ciidamada amniga Ciraaq waxay xireen buundooyinka Al-Jumhuriya iyo Al-Sinak ee bartamaha magaalada Baqdaad iyo wadada hormarta dhismaha TV-ga dowladda.
Taliska hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Ciraaq ayaa ugu baaqay dadka Ciraaq inay la a shaqeeyaan ciidamada ammaanka, una hoggaansamaan bandowga.
Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Mustafa Al-Kazemi ayaa amray in la hakiyo fadhiyada golaha wasiirada ilaa amar dambe sababo la xiriira dibad-baxayaasha oo galay xarunta golaha, wuxuuna ku dhawaaqay xaalad feejignaan ah oo u sareysa Baqdaad dhammaan ciidamada ammaanka.
Bayaan uu soo saaray Al-Kazemi ayaa ugu baaqay dibad baxayaasha in ay si deg deg ah uga baxaan Aagga Cagaaran ayna u hoggaansamaan awaamiirta ciidamada ammaanka, Muqtada Al-Sadr ayaa ku baaqay in gacan laga geysto sidii uu ugu baaqi lahaa dibadbaxayaasha in ay isaga baxaan xarumaha dowladda.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Baqdaad ayaa sheegaya in weli la maqlayo rasaas goosgoos ah oo ka dhaceysa Aagga cagaaran, waxaana weli kacsan xaaladda dalka Ciraaq, iyadoo bandowga uu bilowday.
In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay shaqaaqooyinka ka socda magaalada Baqdaad, iyadoo 200 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana baaqyo kala duwan soo saaray Mareykanka iyo dalal kale si loo qaboojiyo xaaladda.
