Rasaas ayaa maanta ka dhacday Qabuuraha magaalada Hargeysa oo lagu aasayey dadkii ku dhintay bannaanbaxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Hargeysa.
Qalalaasaha ayaa ka dhashay markii uu halka aasku ka socday tegay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Saciid Sulub oo doonayey inuu ka qeyb galo aaska, balse waxaa kusoo qamaamay dad ka careysan tegistiisa, iyagoo weerar ku qaaday.
Ilaalada Wasiirka ayaa rasaas furay si ay dadka uga celiyaan wasiirka, waxaana la arkayay isagoo dad badan ay ku xoomeen si ay wax yeelaan, kadibna Gaari lagula cararray.
Wararka ayaa sheegaya in wasiirka iyo ilaaladiisa ay soo gaareen dhaawacyo fudud markii dhagxaan, ulo iyo agab kale lagu weerarray, waxaana wasiirka la geeyay Isbitaalka magaalada Hargeysa.
Arrintan ayaa qeyb ka ah xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Somaliland oo ka dhalatay khilaafka Doorashada iyo muddo xileedka Madaxweyne Muuse Biixi oo gabagabo ah.