Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya saaka aroortii ay rasaas ka bilaabatay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay xalay xilli danbe magaalada galeen maleeshiyada kooxda Ahlu suna, waxaana iska hor imaadka uu bilowday goor dhoweyd saaka, iyadoo hub kala duwan laga maqlayo gudaha magaalada.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyada Ahlu Suna oo ka yimid degaanka Bohol ay qabsadeen xaafadaha Waaberi iyo Waxara-cadde ee magaalada Dhuusamareeb, halka ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku sugan yihiin inta badan magaalada, iyagoo difaacaya xarumaha maamulka.
Saraakiisha Ahlu suna ayaa sheegtay inay la wareegeen caasimadda Galmudug, ayna soo afjari doonaan ciidamada ku haray. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Galmudug.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa duleedka magaalada laga dareemayay abaabulka ay wadaan kooxda Ahlu suna, waxaana uu weerarkooda kusoo beegmay, iyadoo dhammaan madaxda Galmudug ku sugan yihiin caasimadda Muqdisho, iyagoo qeyb ka ah ololaha Doorashada dalka.