Wararkii ugu danbeeyay ee diyaaradda Ethiopian Airlines oo saaka ku burburtay duleedka magaalada Addis ababa ayaa sheegaya in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay dhinteen.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737-8 MAX ayaa dhacday kadib 6 daqiiqo markii ay duushay, iyadoo ku sii socotay magaalada Nairobio ee dalka Kenya, waxaa la socday 149 rakaab ah iyo 8 shaqaalaha diyaaradda ahaa, waxaana hadda la xaqiijiyey inaysan cidna ka badbaadin.
Afhayeen u hadlay shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegay in rakaabka diyaaradda 32 qof oo ka mida ay u dhasheen dalka Kneya, halka 17 kale ay ahaayeen Itoobiyaan, wuxuuna intaas ku daray in rakaabka kale ay kasoo kala jeedeen 31 dal oo aan la shaacin.
Goobjooge ku nool degaanka ay diyaaraddu ku dhacday aya sheegay in diyaaradda uu ka dhacay qarax aad u weyn oo ay gubatay goobta ay ku dhacdayna dab uu qabsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamo iyo gurmad, kadib muddo saddex saacadood ah.
Guud ahaan dadka saaranaa diyaaradda ayaa u ka dhashay 33 dal, taasoo muujineysa in diyaaradda ay la socdeen rakaab aad u kala duwan.


