Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay agaasime cusub oo ku soo biiraya xafiiskiisa, kaasoo qaabilsan dhinaca Warfaafinta.
Ra’iisal wasaaraha ayaa Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa u magacaabay Yacquub Maxamed Cabdalla oo ah saxafi ka soo jeeda Puntland, soona noqday ku xigeenka Duqa Magaalada Gaalkacyo.
Wuxuu sidoo kale Yacquub Maxamed Cabdala ka mid ahaa Weriyeyaasha ka howlgala Gobolka Mudug, isagoo kasoo shaqeeyay Radio Gaalkacyo iyo Tv-ga Universal.
Xilka agaasimaha warfaafinta xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa waxa hore u hayay C/qaadir Maxamed Cashir nadaara oo hadda ku soo koobmaya la-taliyaha Ra’iisal wasaaraha.
Warar Xul ah