Saturday, November 9, 2024

Raila Odinga oo maanta loo dhaarinayo Madaxweynaha Kenya iyo Xiisad ka taagan magaalada Nairobi

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii hogaamiyaha mucaaradka ee Kenya, Raila Odinga uu sheegay in maanta oo tallaado ah loo dhaarin doono xilka madaxtinimada.

Saraakiisha isbaheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa sheegay in xafladda dhaarinta ay maanta ka dhici doonto beerta xorriyadda ee Uhuru Park, halkaa oo la filayo in lagu dhaariyo Raila Odinga iyo ku xigenkiisa Kalonzo Musyoka.

Mucaaradka Kenya ayaa warbixin ay dhawaan soo bandhigeen ku shegeen inay ku guuleysteen doorashadii bishii 8aad ka dhacday Kenya, taaso maxkamadda ugu sareysa dalka ay waxba kama jiraan kasoo qaaday.

Ad

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai oo ka hadlay qorshaha ay damacsan yihiin mucaaradka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay Qiyaano Qaran, ayna horseedi karto dil toogasho.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale mamnuucay xafladda dhaarinta Raila Odinga, iyagoo na isku gedaamay fagaaraha Uhuru Park. Hogaamiyeyaasha Mucaaradka ee Kenya ayaa sidookale sheegay in dowladda Kenya ay ku guuldareysatay inay wax wadahadal ah la furto isbaheysiga mucaaradka.

Mucaaradka Kenya ayaa qaadacay ka qeyb galka doorashadii ku celiska ee bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacday Kenya, kadib markii ay shegeen in aysan ku qanancsaneyn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada ee IEBC.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON