Wednesday, September 18, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Agaasime u magacaabay Ururka Bulshada East African Community

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya amsa Cabdi Barre ayaa Agaasime u magacaabay ururka Bulshada Bariga Afrika (East African Community) oo Soomaaliya dhowaan ku biirtay.

Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) ayuu Ra’iisal wasaaruhu u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika (East African Community), sida lagu sheegay war kasoo baay Xafiiska RW.

Ma cadda inuu agaasimahan ka shaqeyn doono xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo inuu xilkan u qaban doono ururka EAC, waxaana qaabka magaacaabidda ka muuqda jaha-wareer ku saabsan xilkan cusub.

Ad

Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal bogaadin ah oo uu soo saaray ku caddeeyay xilka agaasimaha cusub oo ka mid noqonaya agaasimeyaasha Wasaaradda Arrimaha dibadda Wuxuuna qoraalkiisa ugu hambaleeyay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) oo maanta RW Xamza Cabdi Barre u magacaabay inuu noqdo DG ee Arrimaha Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Ururka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika (East African Community -EAC_ waxaa xubno ka ah Dalalka: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo DR Congo, waxaana dhowaan ku biirtay Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON