Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeerkiisii ugu horeeyay ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir tan iyo intii xilka la wareegay guddoomiyaha cusub ee G/Banadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda Maamulka G/Banaadir, sidii loo horumarin lagaa adeegyada gobolka iyo aragtida guddoomiyaha cusub, waxaana Ra’iisul wasaaraha uu warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha G/Banaadir
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa guddoomiyaha ballan qaaday in xukuumadiisu kala shaqeyneyso G/Banadir sidii uu u fulin lahaa fulinta qorshayaasha horumarineed iyo dib u soo celinta amniga iyo bilicda magaalada.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cumar Filish u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir 22-kii Agoosta 2019-ka, isagoo xilka uu la wareegay 29-kii Agost, waxaana la sheegay inuusan magacaabistiisa talo badan ku lahayn Ra’iisal wasaaraha.




