Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa gaaray degaanada laga qabsaday Alshabaab ee u dhow aagagga dagaalka si ay u dhiiri gelyaan ciidamada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa tegay degmada Aadan Yabaal oo ay kusoo dhoweeyeen Taliyaha ciidamada Qalabka sida, wasiiru dowlaha Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale, waxaanaa safarka ra’iisal wasaaraha lagu sheegay dhiirigelinta ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee la dagaalamaya Alshabaab.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qorqoor)oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur ayaa maanta gaaray degaano hoostaga degmada Ceelbuur oo dhowaan laga xoreeyay Alshabaab, waxayna halkaasi kula kulmeen ciidamada iyo dadka degaanka.
Madaxwayne Qoorqoor iyo Wasiirka Difaaca ayaa goobaha ay tageen kula hadlay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee ku jira dagaalka dhameystirka wejiga koowaad ee Galmudug lagu xoreynayo Alshabaab.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa isna shalay gaaray Degaanada Gobolka Sh/dhexe ee furimaha hore dagaalka looga horjeedo Alshabaab, isagoo sheegay in dagaalu socon doono, dalkana laga xoreyn doono Alshabaab.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga dowladda Federaalak Axmed Macalin Fiqi oo ay la socdaan xildhibanno iyo ciidamada degaanka ayaa gaaray magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo wejigii koowaad looga xoreeyay Alshabaab.
Dhaqdhaqaaqyada madaxda dowladda Federaalka, wasiirada iyo madaxda maamul Goboleedyada ayaa imaanaya iyadoo degaanada Gobolka Galgaduu qaarkood ay dib uga gurteen ciidamada dowlada, kadib weerarkii Alshabaab ee Degaanka Cowsoweyne oo qasaare xoog leh ka dhacay.