Monday, February 10, 2025

Ra’iisal Wasaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea oo wadajir u furay Xuduudka labada dal [Sawirro]

Hogaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea ayaa si wadajir ah maanta dib u furaya xuduudka laabda dal ee a isaga tallaabi jiray ee la xiray, kaasoo xirmay labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee deriska ah.

Arrintan ayaa waddada u xaaraysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay iyo inuu dib u soo laabto Ganacsigii iyo isu socodkii labada dal ee mudadda dheer xirnaa.

Dib u furitaanka waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa dabo socota heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.

Ad

Dib ufuritaanka waddadan ayaa ku soo aaday maalin ku haboon iyadoo labada dalba ay maanta oo Talaado ah 11-ka September u dabaal dagayaan sannadka cusub ee u gaarka ah.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON