Wednesday, November 13, 2024

Ra’iisal Wasaraha Canada oo War kasoo saaray Geerida Hodon Naaleeye & dagaalka Alshabab..

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa war kasoo saaray geerida Saxafiyadii caanka ahayd ee Hodon Naaleeye oo heysatay dhalashada dalkaasi, isagoo tacsi u diray dhammaan ehelada, qoysaska Hodan Naaleeye iyo saygeeda Jaamac Faarid oo ku dhintay weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Justin Trudeau wuxuu kaloo tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay qaraxaas. wuxuuna sheegay in Hodan Naaleeye ay ka shaqeyn jirtay soo bandhigidda horumarada ka socda Soomaaliya isla markaasna geerideeda si weyn ay uga naxeen dadka reer Canada.

“Hodan Naaleeye waxay ka shaqeyn jirtay tebinta wararka wanaagsan ee ka taabanayo horumuarada dalka, dhiirogelinta da’ yarta soomaalida…Geerida ku timid waxaa si weyn uga naxay dadweynaha Canada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dunida

Ad

Waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha sheegay in howsha Hodan Naaleeye ay caddeyn u aheyd saxaafadda xorta ah ee difaaceyso isdhexgalka iyo wada noolanshaha.

Justin Trudeau waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan xoojinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON