Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa 10 sanno oo xarig ah ku xukuntay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif oo loo haysto eedeymo musuqmaasuq.
Waaxda la dagaalanka musuqmaasuqa Pakistaan ayaa in badan dib u dhigtay dacwdaha loo haysta Nawaz Sharif. Ra’iial wasaaraha hore ayaa dhinaciisa dacwad uu ka codsanaya in dib loo dhigo go’aanka u gudbiyay maxkamadda isagoo ku sugan magaalada London halkaaso looga dawaynaya cudurka Kansarka.
Nawaz Sharif ayaa ku tilmaamay dacwadaha ka dhanka ah isaga kuwo la siyaasadeeyay, isagoo diiday inuu wax khalad ah sameeyay.