Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegtadii ugu horeysay, isagoo xubnaha Golaha wasiirada faray inaysan sameyn karin magacaabis iyo is bedel midna.
Qoraalka Ra’iisal wasaaraha ayaa Wasiirada lagu faray inay wixii magacaabis ah ama isbedel kala tashadaan Ra’iisal Wasaaraha, iyagoo laga rabo inay Wasaaraha ay madaxda ka yihiin waafajiyaan sharciga
Wasiirada Xukuumadad Federaalka ayaa caado ka dhigtay inay shaaale cusub qortaan, xilkana ka qaadaan agaasimeyaasha wasaaraha ay la wareegeen, taasoo hadda uu amarkan kasoo saaray Ra’iisal wasaaraha.
Ra’iisul Wasaareyaashii hore ayaa soo saaray qoraalo iyo Amarro kan la mida, balse ma dhicin inay ku dhaqmaan Wasiiradi hore.
