Saturday, October 12, 2024

Ra’iisal wasaare Xamza oo magacaabay xilkalkii ugu horeeyay ee Xafiiskiisa iyo Liiska Golaha..

Ra’iisal wasaaraha cusub ee xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa sameeyay magacaabidii ugu horeysay tan iyo markii uu helay codka kalsoonida, lana wareegay xafiiska.

Xamza Barre ayaa madaxa hab-maamuuska xafiiskiisa u magacaabay wiil dhalinyarro ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Shariif oo hore ula soo shaqeeyay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Kheyre, kana soo jeeda Gobolka Gedo.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in sidoo kale uu Ra’iisal wasaare Xamza magacaabay ilaa 7 xil oo ay ka mid yihiin Xoghaya xafiiskiisa, howlwadeeno dhowr ah iyo weriyaha gaarka ah, waxaana la bedelay inta badan xubnihii muhiimka ahaa ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Ad

Ma jirto jago si rasmi ah loo shaaciyey, balse saaxiibada xubnaha la magacaabay ayaa baraha bulshada ku faafiyey hambalyo, iyadoo magacaabidda xilalka hoose ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay xowli ku socoto, balse laga dhigay qarsoodi.

Dhinaca kale Liiska golaha Wasiirada cusub ayaa la sheegay inuu gacanta ku hayo Ra’iisal wasaare Xamza, iyadoo inta badan xubnaha loo magacaabayo Golaha Wasiirada uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la filayaa in la dhammeystiro toddobaadka soo socda.

Halkan ka Akhriso xubnaha la magacabaya iyo Beelaha ay kasoo jeedan

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON