Sunday, April 27, 2025

Ra’iisal wasaare Xamse oo xilalkii ka qaaday Wasiiro, kuwa cusubna magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilalkii ka qaaday laba ka mida Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka, isagoo magacaabay wasiiro cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Beeraha axamed Madoobe Nunow iyo Wasiirkii Howlaha Guud ee xukuumadda Somaallya Ismail Abdirahman Sheikh Bashir .

Waxaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka xukuumaadda Soomaaliya loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye), halka wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta loo magacabay Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay).

Ad

Xilkii wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta oo uu hayay wasiir ka soo jeeda Somaliland ayaa hadda loo wareejiyay wasiir kasoo jeeda K/Galbeed, xilka wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka loo dhiibay Wasiir kasoo jeeda Somaliland.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo in muddo ah ay bannaan yihiin jagooyinka wasiirada muhiim ah oo ka tirsan xukuumadda sida; Wasiirada Arrimaha dibadda, Amniga iyo Haweenka & Xuquuqda Insaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON