Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta oo Sabti ah dib ugu laabtay shaqadii xafiiskiisa, kadib toddobaadyo uu maqnaa, taasoo keenay inay baafiyaan siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.
Xamse oo kasoo muuqday xafiiskiisa ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee laga rabo hay’adda fulinta ee dalka, uu maanta kulamo kala duwan oo gaar gaar ah la yeeshay Guddoomiyayaasha labada Aqalka ee Baarlamaanka.
“Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu Guddoonka labada aqal la wadaagay warbixinno ku saabsan arrimaha amniga iyo dib-u-xoreynta dalka, Siyaasadda loo dhanyahay, Arrimaha doorashooyinka, Dhaqaalaha iyo maalgashiga iyo Guulaha aan ka gaarnay xiriirka diblomaasiyadeed ee aan dunida la leenahay. Waxaan warbixin gaar ah ka siiyay sida Xukuumaddu ugu guuleysatay hor-is-taagga xadgudubkii Dowladda Itoobiya isku dayday in ay ku xadgudubto madax-bannaanida iyo midnimada Qarankeena”, waxayna dunidu garab istaag diblomaasiyadeed midkii ugu sareeyay u fidiyeen dalkeena” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xamse.
Maqnaanshaha Ra’iisal wasaaraha iyo safiirkiisa dibadda ee socday ku dhowaad Bil ayaa dhaliyay dood ku saabsan inuu awoodda dalka isku heysto Madaxweynaha xilligan oo aan weli la magacaabin Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Amniga oo muddo bannaan.