Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Galabta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.
Wareegtada Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu la-tashiga Madaxweynaha ku magacaabay Hal wasiir, laba wasiiru-dowle iyo Wasiir ku-xugeen, kuwaasoo kala ah:
1. Xildhibaan Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo ah Wasaaradii Haweenka oo wax laga bedelay, taasoo bannaaneyd tan iyo geeridii Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye Disembar 2023.
2. Cumar Cali Cabdi – oo loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.
3. Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – oo loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.
4. Iyo Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.