Wednesday, February 19, 2025

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ka baxay Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho, kuna laabtay Kismaayo.

Xamse oo awood qeybsi ahaan kasoo jeeda Beesha Axmed Madoobe ayaa ku guul darreystay inuu Madaxweynaha Jubbaland ku qanciyo Qorshaha Doorashada ee dowladda Federaalku rabto.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Ra’iisal Wasaare Xamse dadaal u galay sidii uu u qancin lahaa Axmed Madoobe, isagoo ilaa laba shir oo gaara la yeeshay, balse kulamadaasi ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, taasoo ugu danbeyn keentay inuu Axmed Madoobe ka tago shirkii ka socday Muqdisho.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha uu Axmed Madoobe u sheegay inuu iska casilayo xilka uu hayo, haddii ay Jubaland xiriirka u jarto dowladda Federaalka, wuxuuna Xamse rrintaas  sabab uga dhigay in isagoo Ra’iisal wasaare ah aanu qaadan karin in maamul Goboleedkii kuu kasoo jeeday uu ka hor yimaado dowladda Fedreaalka.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa ku gacan seyray dalabka Ra’iisal wasaaraha iyo Qorshaha doorasho ee Dowladda Xasan Sheekh wadato, isagoo ku adkeystay inuu qabsan doono doorashada maamulkiisa.

Shirkii jaraa’id ee Xamse ku sheegay inuu weli socdo Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho waxaa ka muuqday culeyska weyn ee saaran Ra’iisal Wasaaraha iyo rajada yar ee laga qabo in la qanciyo Axmed Madoobe.

- Advertisement -

Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo kasoo jeeda Jubbaland ayaa is-weydiiyay awoodda Ra’iisal Wasaaraha: “RW Xamza oo shalay lumiyay Puntland oo uu beel ahaan ku metelo kursiga RW-ha, maantana Jubaland oo uu Xildhibaan u ahaa ku qancin waayay siyaasadda DFS, saameeyn caynkee ah ayuu ku sii yeelan karaa in dalka intii horey isu oggoleyd la isku sii hayo”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON