Ra’iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilkii ka qaaday Wasiirku Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, isagoo isku bedelay dhowr wasiir.
Wareegto caawa lasoo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo uu akhriyay Afhayeenka Xukuumadda ayaa lagu shaaciyay xil ka qaadista Wasiiriia ugu cuslaa dowladda, iyadoo isku bedel kooban lagu sameeyay wasaarado.
Ra’iisal wasaaraha ayaa wareegtadiisa ku sheegay inuu tallabadan qaatay markii uu tixgeliyay talada madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sameeyay magacaabistan:
1- Bixii Iimaan Cige ayaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda.
2- Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim waxaa loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
3- Abuukar Jeylaani Sheekh, waxaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
4- Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, waxaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha.
Arrintan ayaa imaaneysa kadib dood ka dhalatay xilal magacaabis iyo shaqo ka joojin uu sameeyay Wasiirka Maaliyada Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.