Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacabay xoghayaha cusub ee Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa Dr. Maxamed Ibraahim Nuur loogu magacaabay inuu noqdo xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo xilkii laga qaaday xoghayihii hore C/risaaq Caato oo ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya, xilligii Xukuumadda xil-gaarsiinta.
Tallaabadan ayaa ah tii ugu horeyaay ee geesinimo leh oo Ra’iisal wasaare Rooble qaado tan iyo intii xilka loo magacaabay muddo saddex bilood ah.
Dr. Maxamed Ibraahim ayaa hore uga mid ahaa macalimiinta iyo maamulka Jaamacadda SIMAD, wuxuuna dhowaan galay siyaasadda markii Oktoobar 2020 uu madaxweynaha Koonfur Galbeed u magacaabay Lataliyaha Sare ee Arrimaha horumarinta dhaqaalaha.
