Saturday, May 17, 2025

Ra’iisal wasaare Rooble oo qaaday Saddex tallaabo oo dhaawacay Mustaqbalkiisa siyaasadeed (Faaqidaad)

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa toddobaadkii ugu dambeeyay ku dhaqaaqay tallaabooyin dhaawac weyn u geystay maqaamkiisa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Rooble oo siyaasadda ku cusub ayaa ka soków inuu ka soo bixi waayey mas’uuliyadda weyn ee xilka uu qaaday oo ku yimid awood qeybsi qabiil iyo 4.5, wuxuu dhex galay xafiiltan siyaasadeed iyo go’aano u muujiyey nin ka takhalusaya mustaqabalkiisa siyaasadeed.

Qodobadda waaweyn ee Ra’iisal wasaare Rooble dhaawaca ku noqday waxaa ka mida:

Ad

1- Ku dhawaaqidii in Doorasho la aaday

Go’aankii uu Ra’iisal wasaaraha ku shaaciyey inaan waqti kale lagu lumin doonin maamullada iyo dhinacyada tabashada ka qaba Doorashada 2021 ee loo dhaqaaqay Doorashadii, wuxuu kaliya muujiyay inuu madax u yahay ololaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo oo uusan awoodin inuu ugu yaraan isu soo jiido dhinacyada is haya. (Akhriso)

2- Maamulka Doorashada oo ku wareejiyay Wasiiru dowle

- Advertisement -

Wareegtadii uu Ra’isal wasaare Rooble maamulka Doorashada ugu xil saaray Wasiiru dowlaha Xafiiskiisa waxay ahayd arrin kale oo aad loola yaabay, waxaana afhayeenka xukuumadda uu ku qasbanaaday inuu caddeyn ka bixiyo arrintan.

Iyadoo uu joogo Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka oo howshan si toos ah u hoos tagto in Ra’iisal wasaaruhu xafiiskiisa geeyo howlaha Doorashada, una xil saaro shaqsi wasiiru dowle ah waxay muujisay sida Doorashada 2021 loo rabo in loo maamulo oo aysan uga bixin gacanta Madaxtooyada. (Akhriso Warkan)

3- Weerarka uu ku qaaday Musharax Xasan Sheekh

Kulan uu la yeeshay madaxda Warbaahinta Muqdisho wuxuu Ra’iisal wasaare Rooble si toos ah ugu weeraray mid ka mida musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeynaya musuqmaasuq iyo arrimo kale. Wuxuu weerar kale ku qaaday aqbaliyadda Beesha uu kasoo jeedo ee degta Galmudug iyo Hirshabelle, isagoo ku tilmaamay beel qeylo badan, laakiin aad u tiro yar, taasoo loo qaatay inuu ugu jawaabayay hadal kasoo yeeray Jen. Galaal.

- Advertisement -

Arrimaha laga soo weriyey kulankii Ra’iisal wasaare iyo Madaxda Warbaahinta waxaa si cad looga dheehday shaqsiyadda Ra’iisal wasaaraha iyo qaangaarnimadiisa siyaasadeed, inkastoo wasiir ku xigeenka Warfaafinta isku dayey inuu difaaco Ra’iisal wasaaraha,wixii kulanka ka dhacayna ku sheegay inaysan ka tarjumeynin siyaasadda xukuumadda; haddana ma ahayn wax la dabooli karo.

Arrimahan oo dhan waxay soo baxeen iyadoo dalku ku jiro xaalad adag, una baahan yahay hoggaamiyeyaal iyo siyaasiyiin ka gudbin kara, balse Ra’iisal wasaare Rooble wuxuu wadaa olole uu sumcadiisa hoos ugu dhigay, uguna dhammeeyay haddiiba uu lahaa mustaqbal siyaasadeed kadib dowladda Farmaajo.

FAAQIDAADDA GOOBJOOGE

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON