Saturday, May 17, 2025

Ra’iisal Wasaare Rooble oo kalsooni ka raadiyey xildhibaannada Beelaha Hawiye iyo Daarood (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay xarunta magaalada Muqadisho kula kulmay Xildhibaannada labad Gole ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye iyo Daarood.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa taageero iyo in codka kalsoonida la siiyo oo Ra’iisul Wasaaraha cusub uu ka doonayo xidhibaannada Golaha Shacabka oo uu beel beel ula kulmayo maalmahan. wuxuuna Ra’iisal wasaare Rooble mid mid u salaamay xildhibaannada ka qeyb galay kulamadasi.

Kulanka dhex maray Ra’iisal wasaaraha magacaaban iyo xildhibaannada labada Gole ee Beesha Hawiye waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Ad

Dhinaca kale kulan akle ayuu Ra’iisal wasaare Rooble la yeeshay xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Beesha Daarood, isagoo weydiistay wada-shaqeyn iyo kalsooni. Xubnaha ka dhex muuqda kulanka waxaa ka mid ahaa wasiiro xilka sii haya.

Xildhibaannada beelaha Dir iyo Beesha Shanaad ayaa hore u taageeray Ra’iisaha wasaaraha cusub, una ballanqaaday inay kalsooni siin doonaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON