Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo aan weli ku guuuleysan inuu soo dhiso Golihiisa Wasiirada ayaa dadaal ugu jira inuu bedelo ku-xigeenka Ra’iisal wasaarhii hore ee Mahdi Maxamed Guuleed.
Xogta laga helay Madaxtooyada ayaa sheegeysa in Ra’iisal wasaaraha cusub uu Madaxweyne Maamed C/llaahi Farmaajo ka dalbaday inaan xukuumadda cusub lagu soo darin oo la magacaabo Ra’iisal wasaare ku xigeen cusub, taasoo la sheegay inuusan aqbalin Farmaajo.
Mahdi Maxamed ayaa si weyn ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sii-haye u magacaabay markii uu xilka banneeyay Ra’iisal wasaarihii hore, laakiin markii uu xilka wareejiyey kadib ayuu noqday nin awood badan oo aan ka harin Ra’iisal wasaraha cusub, taasoo keentay in wax la iska weydiiyo awoodiisa.
Magacaabida Golaha Wasiirada cusub ayaa qaadatay waqti dheer, iyadoo xilal badan oo wasiiro la kala beedlay, laakiin arrinta ugu adag ayaa ah xilka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo Ra’iisal wasaaaraha cusub muujiyey inuu doonayo inuusan kusoo laaban Mahdi Maxamed Guuleed. balse uu ku dhegan yahay Madaxweyne Farmaajo.

Haddii uu ku guuleysto Ra’iisal wasaare Rooble inuu iska bedelo Ra’iisal wasaare ku xigeenka xilka sii haya waxay noqon doontaa guul siyaasadeed, inkastoo shaki badan laga qabo suuragalnimada arrintaasi.