Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho u tegay la-kulanka wafdi ka socday Mareykanka.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka waxaa ku wehliyay kulanka wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Jamaal Xasan Maxamed iyo xubno kale, waxaana ay kulanka la yeesheen maamule ku xigeenka hay’adda USAID Mr. Gregory Gottlieb oo booqasho ku yimid Soomaaliya.
Sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow waxay labada dhinac ka wadahadleen xaalada abaarta ee Soomaaliya iyo tallaabooyinka la qaaday si wax looga qabto.
Waxaa sii socda in madaxda Soomaalida ay Garoonka Muqdisho u tagaan la kulanka saraakiisha Mareykanka oo ammaan ahaan aan loo ogoleyn gudaha magaalada, arrintan oo ka mid ahayd waxyaabihii lagu eedeyn jiray dowladii hore.
SAWIRRO