Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Dadweyne fara badan, mas’uuliyiinta degmada iyo xubno ka tirsan labada Gole oo ayaa si diiran u soo dhoweeayy wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre , waxaana isu soo baxay qeybaha kala duwan ee dadweynaha degmadaasi, iyadoo uu khudbad u jeediyey Ra’iisal wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caawa kulamo la qaadan doona qeybaha bulshada degmada Caabudwaaq, waxaana safarkan uu ka mid yahay socdaalka dhulka ee Ra’iisal wasaaraha ku marayo degaanada Galmudug.