Friday, May 23, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Laba Qodob ka dalbaday Xildhibaannada kasoo jeeda Beesha Caddaado.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka, kana soo jeeda degaanka magaalad Caddaado ayaa xalay kulan gaara la yeesahy Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, kasoo looga hadlay xaaladda Galmudug.

Xubnaha kulanka ka qeyb galay ayaa kala ahaa:Guddoomiye kuxigeenka Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo Xildhibaan Maxamed Siciid -Abtidoon Yare, waxayna kulanku uu ahaa mid loogu gogol xaarayo wahadallo ku saabsan sidii doorasho uga dhici lahayd Galmudug

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu hal qodob ka codsaday xildhibannada Beesha Cadaado, kaasoo ah inaysan mucaaradnimo uga hor imaan Doorashada Galmudug in lagu qabto magaalada Dhuusamareeb, isla markaana aysan xilka madaxweynaha isu soo sharxin xilligan.

Ad

Xildhibaan C/saabir Shuuriye ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka uu ahaa mid salaan iyo xogwareysi ah, lagana tashaday arimaha Galmudug oo ay isku raaceen inaan la isku mucaaradin Galmudug xaaladan uga gudubto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON