Thursday, April 24, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga Adduunka [Sawirro]

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo socdaal shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa kulan la yeeshay guddoomiye ku xigeenka Bankiga Adduunka Hafez Ghanim.

Laba dhinac ayaa ka wadahadlay taageerada Bankiga Adduunka siiyo Soomaaliya iyo barnaamijka deyn cafinta ee dadaalka loogu jiro in Soomaaliya looga cadiyo deymihii lagu lahaa muddo dheer soo jiitamayey.

“Waxaan kulan miro dhal leh kula qaatay Washinton, Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka Hafez Ghanim oo aan ka wada hadalnay habsami u socodka barnaamijka deyn cafinta dalkeena iyo dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee hay’adaheedda dowliga ah..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Ad

Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Adduunka ayaan weli xilka la wareegin, iyadoo uu xilligan shaqada sii wado ku xigeenka.

Image may contain: 5 people, people standing and suit
Image may contain: 3 people, people smiling, people sitting
Image may contain: 2 people, people smiling
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON