Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay Guddiga qaabilsan Gurmadka dadka ku waxyeeloobay Fatahaadaha ka taagan Gobollada dalka qaarkood.
Ra’iisal wasaaraha oo shir jaraa’id qabtay goor dhow, iyadoo barbar taagan yihiin madaxweynayaasha maamullada Hirshabelle, K/Galbeed iyo Galmudug Maxamed Cabdi Waare, C/casiis Lafta-gareen iyo Axmed Ducaale Geelle ayaa shaaciyey in Guddi ka kooban 9 xubnood loo xilsaaray arrimaha gurmadka fartahaadda,
Guddigan waxaa guddoomiye u ah wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka mida wasiiro iyo xubno kale, isagoo Ra’iisal wasaare Kheyre ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, waxayna xubnaha Guddiga kala yihiin:
1- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka dowladda Soomaaliya Gudoomiye
2- Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya
3- Maxamed Abuukar Islow Ducaalle Wasiirka Amniga
4- Fowsiyo Maxamed Sheekh Wasiirka korontada iyo biyaha
5- Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha
6- Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada
7- Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya
8- Maxamed Cabdi xayir Maareye Wasiirka Warfaafinta
9- Isaaq Maxamed Maxamuud wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha
Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii dowladda Soomaaliya si weyn loogu dhaliiley inay ka gaabisay u gargaaridda dadka ku waxyeeloobay fatahaadda sida magaalada Beledweyne oo ugu darran xilligan.