Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku biiray dagaalka baraha bulshada ku dhex maraya taageerayaasha iyo dhaliilayaasha madaxda dowladda Soomaaliya.
Kheyre oo ah nin bulsho ah oo wax weyn ka bedelay xiriirka dowladdai yo bulshada ayaa adeegsaday halheys is difaac ah oo ay abuureen taageerayaasha dowladda “IGU DAYO”, kaasoo yimid kadib markii baraha bulshada uu qabsaday halheyska caan baxay ee “IGU SAWIR” Â kaasoo lagu dhaliilo dowladda.
Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqda inuu sii shidi doono baraha bulshada, iyadoo dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre lagu tilmaamo mid si weyn u adeegsata baraha bulshada.
I am inspired by their happiness and geared by their need for reliable and comfortable future. #Igudayo #NabadIyoNolol #Somalia pic.twitter.com/FOSzoOvbnL
— SomaliPM (@SomaliPM) July 27, 2017
Barta rasmiga ah ee Ra’iisal wasaaraha ayaa markii ugu horeysay adeegsatay halheyska #igudayo oo mid dhowaangal ah oo yimid dagaal dhinaca baraha bulshada ah oo ay mucaaradka dowladda wadeen muddo dheer kaasoo ku socday halheyska #igusawir.