Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo  ayaa ka duulay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho isagoo goor dhow gaaray magaalada Baydhabo.
Ujeedad socdaalka Raiisul Wasaare Khayre ayaa ah u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo, oo uu kula kulmayo bulshada iyo waxgaradka maamulka K/Galbeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kula soo kulmi doono madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaa sidoo kale lafilayaa in uu la kulmo saraakiisha iyo ciidanka Xoogga Dalka oo kusugan deegaanadaasi
Wararka ayaa sheegaya in shirka Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee Khamiislaah lagu qabana doono magaalada Baydhaba toddobaadkan.