Sunday, January 26, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda oo lagu soo eedeeyay laaluush iyo Musuqmaasuq

Booliska Israa’iil ayaa sheegay in in Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Benjamin Netanyah lagu soo eedeynayo laaluush uu qaatay iyo musuqmaasuq ku saabsan ka faa’iideysiga awoodiisa mas’uuliyadeed.

Bayaan ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in la hayo caddeymo ku filan oo lagu dacweyn karo Mr Netanyahu taas oo ah inuu laaluush qaatay, uu misana ku lug lahaa wax isdabamarin iyo weliba inuu amaanada ku jabiyay laba kiis oo kala duwan.

Isagoo ka hadlayay taleefishinka Israa’iil, ayuu Mr Netanyahu waxa uu sheegay in eedahaasi ay yihiin kuwo aan sal lahayn, waxa uu sheegay inuu shaqadiisa ra’iisul wasaarenimo uu sii wadan doono.

Ad

Eedaha ayuu sheegay inaysan “waxba ka soo bixi doonin”.

Hal kiis ayaa waxa uu salka ku hayaa eed ah in Mr Netanyahu uu waydiistay qof daabaca wargeyska Israa’iil ee Yediot Aharonot, inuu war wanaagsan isaga ka qoro taa badelkeedana uu gacan ka siiyo sidii loo xadidi lahaa wargeys uu xifiiltan adag kala dhaxeeyo

Booliska ayaa sheegay in tifaftiraha wargeyska Yediot Aharonot, Arnon Mozes, ay isna tahay in dacwad lagu soo oogo.

- Advertisement -

Eedda labaad ayaa ah mid Netahyahu daba socotay tan iyo 2009 iyadoo lagu eedaynayo inuu lacag ka badan $100,000 uu ka helay ninka filimaanta Hollywoodka ka taajiray ee Arnon Milchan iyo taageerayaal kale.

Wargeyska The Jerusalem Post ayaa sheegay in hadiyadaha la siiyay Ra’iisul Wasaaraha ay ka mid yihiin khamriga champagne iyo sigaar, waxaana loo siiyay inuu Mr Milchan ka caawiyo sidii uu ku heli lahaa dal ku gal uu ku tego waddanka Mareykanka.

Mr Milchan, oo ah filim soo saare ay filimaantiisu ka mid yihiin kuwa Fight Club, Gone Girl iyo The Revenant, ayey boolisku sheegeen inuu isna wajaho eedo ah inuu laaluush bixiyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON