Sunday, May 25, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Yuhuudda oo Iiraan ku eedeeyay inay qarsatay Hub Niyukliyeer ah & Jawaab culus

Rai’sul wasaaraha Israa’iil  Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay Iiraan “in ay ka been sheegayso barnaamijkeeda Niyukleerka, isla markaana ay qarsatay hub Niyukliyeer ah oo ay sameysatay.

Netanyahu ayaa ku dooday inuu hayo caddeymo ku saabsan  in Iiraan ay ku howlan tahay samaysashada hub Niyukleer ah ayna dunida oo dhan ka qarisay, balse ay ogyihiin Iiraaniyiin yar iyo sirdoonka Israa’iil.

Mr Netanyahu oo ka hadlayay telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in dalkiisa ay haleen kumanaan Dokument iyo fayl oo ku saabsan in Iiraan ay si qarsoodi ah u waddo barnaamjkeeda Niyukleerka.

Ad

Wuxuu soo soo bandhigay qaar ka mid ah cadeyno iyo Khariirad doodiisa taageeraya, waxa isagoo sheegay in Dokumiintiyadani ay daaha ka rogayaan faahfaahin ku saabsan barnaamijkaa Niyukleerka Iiraan.

Rai’sul wasaaraha Israa’iil ,Benjamin Netanyahu, ayaa xusay in iyada oo ay jirto in Iiraan ay beesh caalamka kula heshiisay 2015 in ay joojinayso barnaamijkeeda Niyukleerka balse hadana ay sii wado hormarinta barnmijkeeda Niyukleerka.

Wasiirka arrimaaha dibadda ee Iiraan, Javad Zarif, ayaa ku tilmaamay eedeynta cusub ee Israa’iil in ay tahay middii hore oo dib loo soo cusboonaysiiyay, wuxuuna masraxiyad lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada Neatanyahu.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON