Saturday, May 17, 2025

Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya oo laga joojiyey kulankii Baarlamaanka ee maanta iyo ciidamo dhar cad ah oo..

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka baaqsaday inuu maanta tago kulanka Baarlamaanka oo si aan la fileyn loo qorsheeyay inuu khudbad uga jeediyo.

Xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanku ku shiro ayaa lagu arkay ciidamo dhar-cad ah oo ku dhow 100, kuwaasoo la sheegay inay ilaalinayaan Amniga Ra’iisal wasaaraha oo kulanka ka hadlaya, laakiin waxaa arrintaasi ka hor yimid oo diiday qaar ka mida xildhibaanada oo ku dooday inuusan Ra’iisal wasaaraha ku jirin ajendaha, isla markaana aan loo qeybin waxqabadka 100-ka maalmood ee la sheegay, xeer hoosaadkuna dhigayo in 24 saac ka hor ay heystaan warbixinta.

Guddoonka iyo xildhibaannada mucaaradka ayaa isla gartay inaanu maanta kulanka kasoo qeyb gelin Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo dib loogu dhigay Arbacadda soo socota, waxaana kulanka laga saaray ciidamadii faraha badnaa ee la geeyay xarunta Baarlamaanka.

Ad

“100 ciidamo dharcad ah oo bistoolado ku hubaysan ayaa maanta Golaha Shacabka gudaha loo soo geliyay, iyadoo ajandaha Goluhu maanta ahaa Akhrinta Hindise Sharciyeed iyo Qaybinta Warbixin Waxqabadkii Xukuumada Xil-gaarsiinta ee Boqolka maalmood. Waxaa inla iswaydiiyo mudan buugaan yar ee boqolka ciidanka ah galbinayaan waxa ku qoran. Mise qorshe kale oo la damacsanaa lkn fashilmay ayaa jira?!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka hadlayay xaaladii maanta loogu tegay xarunta Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa gabagabadii kulanka ka sheegay in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa uu Golaha hor imaan doono Arbacadda 10-ka Febraayo 2021.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON