Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay khatarta cudurka Covid-19 oo Soomaaliya kusoo laba kacleeyay.
“Farriinteydu waxa ay ku socotaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaan idinka codsanayaa in aad taxaddar muujisaan oo ka qeyb qaadataan xakameynta iyo ka hortagga cudurkan halista ah”. ayuu yiri Mudane Rooble.
Wuxuu faray shacabku inay raacaan tallooyinka hay’adaha caafimaadka. “Si aan nafteenna, qoysaskeenna iyo guud ahaan dadkeenna uga badbaadinno xanuunkan, fadlan aan raacno tilmaamaha wasaaradda Caafimaadka iyo khubarada caafimaadku bixinayaan sida: Fara-dhaqashada, Kala fogaanshaha, Xirashaa Mask-ga ama Af-xirka, In qofka isbaaro, haddii uu isku arko astaamaha xanuunka, Joojinta isu imaatinnada iyo kulammada waaweyn iwm”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshadu in ay kaalintooda ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan Covid-19.
