Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xaaladda Muqdisho iyo dagaalladii ka dhacay saacadihii ugu danbeeyay.
Rooble oo aroortii saaka ka hor salaadda subax warbaahinta dowladda laga sii daayey khudbadii ugu gaabneyd ee uu jeediyo ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatadii ka dhacday Muqdisho ee lagu khalkhal gelinayay amniga iyo nabadda ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu faray Ciidamada Amniga inay waajibaadkooda Qaran gutaan oo ay dhowraan amniga shacabka iyo ka hortagga wax kasta oo dhibaato keeni karta, wuxuuna dhinaca kale ku baaqay wadahadal in wax kasta lagu dhammeeyo wadahadal.
“Waxaa farayaa cid walba in nabadda la ilaaliyo oo la wada dhowro, bulshadana loo turo, dowladdu waxay aaminsan tahay in wadahadal iyo is afgarad uu yahay jidka ugu habboon ee wax kasta lagu xalin karo, howshaas oo aan bilaabay anigoo rajeynaya in aan ku guuleysanayo” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.
Wuxuu ugu baaqayaa shacabka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan inay ka wada shaqeeyaan xasilloonida iyo nabadgelyada dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Hadalka Rooble oo la wada sugayey ayaa dhaliyey dood ku saabsan nuxurkiisa, iyadoo dad badan fahmi waayeen waxa uu ka hadlay inay waanwaan iyo wadahadal ama inuu taageeray dagaalka ciidamada dowladda wadaan.
