Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xsan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa gaaray magaaladda Jabuuti ee D-Jabuuti oo socdaal laba maalmood ah uga bilowday.
Waxaa wafdiga Ra’iisal wasaare Kherye ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Jabuuti Ra’iisul Wasaaaraha Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed Xiyo Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf oo ay wehliyeen ka tirsan mas’uuliyiinta dalka Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa wafdigiisa ka mida: Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maalinta berri ah kulan la qaadan doona Madaxwayanaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadshaqeynayd ee labada dal.