DEGDEG: Baarlamaanka Pakistan oo Mooshin ku riday xukuumadii Imran Khan iyo dalka Pakitan iyo Ninka bedeli doona ee la saadaalinayo
Baarlamaanka Pakistan ayaa codka kalsoonida u qaaday Ra’iisal Wasaarihii dalkaasi Imran Khan, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi Asad Qaiser iyo ku-xigeenkiisa Qaasim Khan Suri ay xilka iska casileen, iyadoo uu kulanka guddoomiyey xildhibaan ka mida Baarlamaanka.
Mooshinka aya bilowday Caawa 14 saac kadib markii uu furmay saaka kalfadhiga kalsooni kala noqoshada xukuumadda Ra’iisul Wasaare Imran Khan, kadib markii ay maxkamada Dastuuriga ah ee dalkaasi ay diiday qorshe uu Imran Khan kula heshiiyey madaxda Baarlamaanka oo lagu kala diray dhowaan Baarlamaanka si doorasho loogu dareero.
Guddoomiyihii Baarlamaanka oo ka tirsan xisbiga Imran Khan ee The Equity Movement – ​​ayaa guddoonka baarlamaanka ku wareejiyay mucaaradka, waxayna ay isaga iyo ku xigeennadiisa ka baxeen baarlamaanka. Sidoo kale waxaa fadhiga isaga baxay dhammaan xildhibaannadii taageersanaa Ra’iisal wasaare Imran Khan.
Waxa isla markiiba bilowday Habraaca codka kalsoonida loogu qaadayo xukuumada Imran Khan, kaasoo u dhacaya in labada dhinac ee mooshinka wada iyo dhinaca ka horjeeda ay laba dhinac kala saftaan, kadibna codadka la tiriyo.
Waxaa Mooshinka xil ka tuurista xukuumadii Pakistan u codeeyay 174 Mudane oo taageeray Mooshinka, iyadoo ay sidaasi ku dhacday xukuumadii Imran Khan ee dalka Pakistan.
Baarlamaanka Pakistan ayaa mooshinka xil ka qaadista Imran Khan kadib wuxuu dooran doonaa hogaamiye cusub oo aqlabiyad ah, kaasoo la filayo inuu noqdo Shahbaz Sharif oo la dhashay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Nawaz Sharif.
Imran Khan ayaa weli diidan in xukuumadiisa la rido, isagoo sheegay in uu shaaca ka qaadi doono inuu faafin doono sirta dhagarta uu Mareykanka u maleegay Pakistan iyo xukuumadisaa, waxaana uu intaa ku daray in nuqulo ka mid ah uu u gudbin doono maxkamada sare iyo hogaanka ciidamada.
