Thursday, April 24, 2025

Ra’iisal wasaaraha oo ka qeyb galaya Xaflad loogu Dabaaldegayo Magacaabidda Guddoomiye Cumar Filish

Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya xaflad loogu dabaaldegayo guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo xilka haya muddo bil ah, kadib markii uu geeriyooday guddoomiyihii hore C/raxmaan Yariisow oo sababsaday qarax ka dhacay Xarunta G/Banaadir.

Xaflada oo ka dhaceysa Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, wasiiro, xildhibaan, taliyeyaasha ciidamada iyo madax kale, iyadoo lagu soo bandhigayo heeso iyo suugaan lagu amaanayo guddoomiyaha cusub ee G/banaadir iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka, waxaana loogu magacaabay ‘Mahadcelin magacaabidda Guddoomiyaha G/Banaadir’.

Xafladaha faraha badan ee maamulka Gobolka banaadir iyo dowladda Somalia abaabulaan xilli uu dalku ku jiro xaalado amni iyo siyaasadeed oo cakiran ayaa ka mida arrimaha lagu dhaliilo madaxda dowladda Soomaaliya oo kharash badan ku bixiya xaflado noocan oo kale ah.

HOOS KA DAAWO -TOOS-

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/367904540754794/
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON