Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Marko ee xarunta Gobolka Sh/hoose, halkaasoo ay uga hor mareen madaxweynaha K/Galbeed, wasiiro iyo xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya.
Isagoo la hadalyey dadka ku nool magaalada Marko oo isugu soo baxay soo dhoweyntiisa ayuu sheegay Xasan Cali Khayre in dowladda Federaalka oo kaashaneysa madaxda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ka shaqeyneyso horumarka iyo daboolidda baahiyaha bulshada ee wax ka qabashada u baahan, waxa uuna ugu baaqay bulshada in magaalada ay ka dhigaan magaalo ganacsiga ku horumarsan oo soo jiidata dadka maal gashanaya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshad a magaalada Marko ku nool ku ammaanay dhaqan-gelinta dib-u-heshiisiintii dowladdu ka hir gelisay, midnimada, iyo sida ay sugidda amniga uga wada qeyb qaateen, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaallada wadajirka, isku-kalsoonaanta iyo si-jaceylka si ay u wada gaaraan horumar iyo barwaaqo.