Ra’iisal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa caasimadda Muqdisho ka bilaabay dhaqdhaqaaqiisii ugu horeeyay ee siyaasadeed, iyadoo la filayo in toddobaadkan loo qaado codka kalsoonida.
Kulamadiisii ugu horeeyay ayuu Ra’isal wasaraha cusub la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey, wasiiro iyo siyaasiyiin ugu tegay sallaan. Kulanka ayaa la sheegay inuu ku koobnaa sallaan, is-barasho iyo hambalyo.
Wararka ayaa sheegaya inuu maalinta Isniinta uu Ra’iisal wasaare Roole hortegi doono Baarlamaanka si ay codka kalsoonida ugu qaadaan, iyadoo markaas kadib uu soo dhisi doono xukuumad.
