Saturday, June 21, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Xaaskiisa oo Xero Agoon kasoo qaatay Canug si ay korsadaan [Sawiro]

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Xaaskiisa ayaa loo ogolaaday inay korsadaan oo aabe iyo hooyo u noqdaan canug agoon ah oo ay ka qaateen xero agoonta lagu xanaaneeyo.

Maxkamadda Federaalka Itoobiya ayaa u sharciyeysay Abiy Ahmed iyo xaaskiisa Zinash Tayachew inay korsan karaan oo waalid u noqon karaan canug lagu magacaabo Million oo ku jiray xerada xannaada agoonta ee Kibebe Tsehay.

Codsiga  xaaska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa waxa ogolaaday maxkamadda oo siisay shahaado iyadoo iska xaadirisay maxkamadda  shalay, waxayna sheegtay inay canugaasi siin doonaan jaceylka iyo xanaannada uu u baahan yahay.

Ad

Image may contain: 5 people, people smiling, people sitting

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Itoobiya Meaza Ashenafi, ayaa ugu hamblalyeysay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo haweeneydiisa Zinash tallaabada ay qaadeen.

Labadan lammane ayaa isu dhalay saddex gabdhood, wuxuuna canugan noqonayaa wiil ay waalid ugu noqonayaan sharciga dalkaasi u yaalla.

- Advertisement -

Image may contain: 2 people, people smiling

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON