Monday, November 11, 2024

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo safar kale ku tegay dalka Eritrea & wadahadal u furmay…

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa socdaal kale saaka uga bilowday magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Waxaa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Asmara kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk, iyadoo isla markiiba uu labada hoggaamiye wadahadal uga bilowday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Asmara.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadlayaan xoojinta xiriirka labada dal iyo xaalada Gobolka Geeska Afrika.

Ad

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiru dowlaha Ridwan Hussein iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya Tagesse Chaffo.

Socdaalkan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Eritrea uu dhowaan booqasho ku tegay dalka Masar, waxaana wararku sheegayaan inay jirto waanwaan uu labada dal ka dhex wado arrinta khilaafka biyo xireenka weyn ee Itoobiya.

Image
Image
Image
Image
Image
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON