Saturday, February 15, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Uganda [DAAWO SAWIRRO]

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed yaa booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah galabta uga bilaabtay dalka Uganda, isagoo ku dhex jira socdaallo uu ku marayo dalalka deriska iyo gobolka ee xiriirka la leh Itoobiya.

Waxaa xarunta Madaxtooyada Uganda ee magaalada Kampala ku qaabilay Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni, iyadoo maamuus qaran loogu sameeyay halkaasi, waxaana madaxda labada dal u bilowday wadahadallo dhinacyo kala duwan leh.

Madaxweyne Musaveni ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu ku marti qaaday booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah oo ay ka wadahadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ganacsiga iyo siyaasadda.

Ad

Labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay ka wadahadli doonaan xaaladda Soomaaliya oo ay ciidamo ka joogaan, waana socdaalkii 4aad ee Bariga Afrika oo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu booqdo kadib Jabuuti, Kenya iyo Suudaan.

Abiy Ahmed ayaa dhinaca kale ka qeybgeli doona munaasabadda maalinta geesiyada Uganda oo ka dhici doonta deg Kakumiro,  halkaasoo algu guddoonsiin doono biladda loo yaqaan Africa Grand Master

- Advertisement -

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON